WEERAR DAD ISKU QOYS AH LAGU DILAY OO GOORDHAW KA DHACAY MAGAALADA...

WEERAR DAD ISKU QOYS AH LAGU DILAY OO GOORDHAW KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO.

102
0
SHARE

Kooxo hubeesan oo watay gaari nuuca raaxada ayaa goordhaw rasaas xoogan ku furay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo u badnaa xubno isku qoys ah.

 

Weerarkan ayaa ka dhacay agagaarka Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, goob joogayaal ayaana ku waramay in kooxo hubeesan oo gaari watay ay rasaas ku fureen gaari kale ay saarnaayeen dad shacab ah.

 

Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa ku dhintay sadex qof oo shacab ah halka ay ku dhaawacmeen afar qof oo kale, dadka dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaalka Digfeer halkaas oo lagu daweenayo.

 

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dadka weerarkan lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay ay yihiin xubno isku qoys ah, waxaana ku jira dadka waxyeelada soo gaartay haween iyo caruur, lamana oga cida beegsatay iyo sababta loo weeraray.

 

Gaarigii weerarkan geestay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, ciidamada amaanka oo gaaray halka uu weerarku ka dhacay ayaa wada baaritaano ay ku baadi goobayaan gaarigii weerarkan geestay iyo dableydii la socotay.

 

Weerarada gaadiidka loo adegsado ayaa ku yaraaday magaalada Muqdisho tan iyo markii magaalada howlgalo ka bilaabeen ciidamada Xasilinta, waxaana weerarkan uu imaanayaa xili ay ciidamada amaanka wali wadaan howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo.

LEAVE A REPLY