XILDHIBAANADA HIRSHABELLE OO DHULKA LA JARAY MUSHARAX AY LACAG BADAN KA QAATEEN.

XILDHIBAANADA HIRSHABELLE OO DHULKA LA JARAY MUSHARAX AY LACAG BADAN KA QAATEEN.

21
0
SHARE

Waxaa shalay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ka dhacday doorashada Madaxweynaha maamulkaasi, waxaana doorashadii dhacday ugu dambeyn ku guuleestay Maxamed Cabdi Waare .

 

Doorashada waxaa ku tartamayay ilaa sideed Musharax oo nin kastaahi damac uga jiray in uu Madaxweyne ka noqdo Hirshabelle, Musharaxiinta qaarkood ayaa ololahooda u adeegsanayay bixinta dhaqaale aad u badan.

 

Qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweyne ayaa Xildhibaanada Hirshabelle siiyay lacapo ay kaga dalbanayeen codkooda, halka Musharaxiinta qaar oon dhaqaalo heysan Xildhibaanada kaga dalbadeen in kaliya ku doortaan wax qabad iyo daacadnimo.

 

Waxaa xusid mudan in Mid kamid ah Musharaxiinta Madaxweyne uu bixiyay lacagta ugu badan ay qaateen Xildhibaanada, Musharaxan oon ka gaabsanay in magaciisa sheegno ayaa Xildhibaan kasta siiyay lacag dhan 5-Kun oo Dollar.

 

Musharaxiinta kale qaarkood ayaa iyana bixinayay lacago u dhaxeeya kun Dollar ilaa labo kun oo Dollar, hasa ahaatee Xildhibaanada wax dooranayay ayaa xitaa qaar kamid ah Musharaxiinta ay lacagta ka cuneyn hal cod siinin ama siiyay codad aad u tiro yar.

 

 

Xildhibaanada ayaana dhulka la jaray musharaxii ay lacagta ugu badneyd kaga qaateen doorashada in codkooda siinayaan, waxa ayna inta badan Xildhibaanada codka ugu shubeen Musharax Maxamed Cabdi Waare oon bixin dhaqaale sidaa u buuran.

 

Mid akmid ah Xildhibaanada Hirshabelle ayaa sheegay in Waare ku doorteen in uu aha kan kaliya ay u arkeen in maamulkooda samata bixin karo, waxa uuna intaa raaciyay in Sanadkii hore Waare Xildhibaanada lacag badan ka cuneen kadibna codka aysan siin balse hada xaal marin uga dhigeen doorashadii shalay in isaga doortaan.

 

Doorashoohyinka dalka Soomaalia ka dhaca ayaa inta badan waxaa loo adeegsadaa lacago musuq maasuq ah oo codadka lagu iibsado, waxaana hada muuqata in mararka qaarkood lacagta aan cod lagu heleyn sida shalayba Jowhar ka dhacday.

LEAVE A REPLY