XILDHIBAANE WIXII TAGEY TAGE EE YAAN MAR KALE LAGU GAADIN !!!!!

XILDHIBAANE WIXII TAGEY TAGE EE YAAN MAR KALE LAGU GAADIN !!!!!

22
0
SHARE

Erayga Xildhibaan waxa uu ka kooban yahay laba eray oo la isu geeyey oo ah; Xil iyo Dhibe, (Yacni Shakhsi Xilku dhibayo) ogow marka oo yaaney kaa hoos bixin Xildhibe ma ahan Xil-doone sida aan maanta aragno, waxaa iswaydiin mudan sidee Xildhibaanadeena xilka ay hayaan oo ay nagu metelaan ku heleen?. Waa laga dheregsan yahay in aanu jirin shaksi ka tirsan Xildhibaanada Soomaaliya (Nin, Naag, Wiil ama Gabar) oo Faataxo ku ku yimid/timid ama ku helay/heshay xilka uu/ay noo hayo/hayso.

 

Iyadoo sidaasi jirto ayaa hadana waxaa iswaydiin mudan in ay ogaadaan Xildhibaanadeennu waxa loo idmaday?. Xildhibaane waxaa laguu idmaday in aad Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Arimaha bulshada nagu metesho oo aad ka taliso waxa inoo wanaagsan Aduun iyo Aakhiro haddaan nahay Soomaali, ma ahan Xildhibaane inaad fowdo ama tuuryo bilowdo iyadoo lagaa sugayo waxa danta u ah dalkan iyo dadkan dhibaataysnaa 40-kii sano ee la soo dhaafay.

 

Waxaan uga gol leeyahay Xildhibaanoow waxaa jira dhibaatooyin badan oo haysta dadka aad Siyaasadda ku meteshaan oo aan anigu ku jiro anigoo og in aanan midkiinna dooran, hadana aan raali idinka ahay, kuwaas oo u baahan inaad Xukuumadda kula xisaabtantaan si aad u heshaan kalsoonideena oo buuxda, waxaa ka mid ah:- Abaraha weli taagan ee soo noq-noqda, Biyo la’aanta jirta, Ceelal yarida guud ahaan Dalka, Daaq la’aanta, Cudurada lala il daran yahay, Tayada Waxbarashada, kaabayasha dhaqaalaha oo liita, Tayada Ciidamada, Qaraxyada Maalinlaha noqday. Weerarada lagu hayo Ciidamada, Dagaalada Qabaa’ilka u dhexeeya, xitaa Magaalada Muqdisho waxaa ku soo laabtay Xabadihii ay ridayeen Ciidamada Ilaalada u ah Madaxda si ay wadada ugu furtaan, intaas iyo ka badan ayaa dhibaato ku haya shacabka ku nool inta loo yaqaan hadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa iga su’aal ah waxa looga hadi la’yahay?.

 

Waxaa la yiri ooyintu orgiga ka wayn!, waxaan ula jeedaa waxaa howlihii Xukuumadda, Madaxtooyada iyo tii Baarlamaankaba Cuuryaamiyey arinta Qalbi Dhagax oo ay Xukuumaddu Itoobiya u gacan gelisey. Waxaa iswaydiin mudan halka Xubnaha Baarlamaanku jireen intii uu ninkaasi Xukuumadda u xirnaa iyo intii ay ka aamusnaayeen dhiibistiisa ka dib?

 

Sow ma haboonayn Xildhibaanadu markii ay maqleen dhiibistista ninkaas odayga ah iney Xukuumadda la xisaabtanaan oo ay Baarlamanka hor keenaan cidda ay ku tuhmayaan arintaas sida Taliyaha Nabadsugida ama Wasiirka Amaanka oo ay waydiiyaan waxa uu ahaa shaqsiga la dhiibey? halka laga soo qabtay? sababta loo dhiibey? Iyo sharciga loo cuskaday? Intaas oo dhan Baarlamaanku Ma yeelin, markii ay Xukuumaddu aragtay habacsanaanta Baarlamaanka ka jirta ayaa waxay qaadatay oo ay ku dhiiratey go’aan ah iney Itoobiya u gacan gelisey shaqsi sida ay hadalka u dhigtay Argagixiso ah. Markay xaajadu halkaas marayso waxa looga hadlayo maanta arinta Qalbi Dhagax iyadoo ay jiraan waxyaabo badan oo mudan in laga hadlo waxaan u arkaa Awr ku kacsi (Danno gaar ah) ee Xildhibaane is toosi.

 

NB> Xildhibaane Wixii tagey tage ee yaan mar kale lagu gaadin, mar walbana miiska keen waxa ku haboon maalintaas. !!!!!..

 

  1. Cabdinaasir Xersi iidle

Mail. Naasirx1@gmail.com

Tel. 252-615503978

LEAVE A REPLY