XILDHIBAANO KATIRSAN LABADA AQAL EE BAARLAMANAKA SOMALIA OO SAAKAY U DHOOFAY CADAADO.

XILDHIBAANO KATIRSAN LABADA AQAL EE BAARLAMANAKA SOMALIA OO SAAKAY U DHOOFAY CADAADO.

18
0
SHARE

Xildhibaano katirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saakay u dhoofay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug, oo xiligan ay ka jirto xiisad Siyaasadeed oo aad u kacsan.

Xildhibaanada u dhoofay magaalada Cadaado ah oo ah kuwa kasoo jeeda deegaanada maamulkaasi ayaa Cadaado u aaday sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan magaaladaasi una dhaxeeya Madaxda maamulka Galmudug.

Sida aan Wararka ku helnay Xildhibaanadan ayaa la kulmaya labada dhinac ee isku haya Cadaado, waxa ayna Xildibaanadan ujeedkoodu yahay sidii khilaafka taagan loo dhameyn lahaa Xabsi gurigana looga saari lahaa Madaxweyne kuxigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Xiisada Siyaasadeed ee ka taagan maamulka Galmudug ayaa cirka isku shareeray kadib markii Xildhibaano katirsan Maamulka Galmudug xilka ka qaadeen Madxaweyne Xaaf, waxaana xil ka qaadistaasi soo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Waxii warar ah ee kusoo kordh kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

LEAVE A REPLY