XOG CUSUB: R/WASAARE KHEYRE OO KA HORTAGAY MOOSHIN XILKA LOOGA TUURI LAHAA.

XOG CUSUB: R/WASAARE KHEYRE OO KA HORTAGAY MOOSHIN XILKA LOOGA TUURI LAHAA.

61
0
SHARE

Sida ay ogaatay Wakaalada Warqaad.com xalay waxaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kulan ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah Senatarada aqalka sare iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

 

Kulankan ayaa muhiimadiisa ugu weyn waxa ay aheyd in Ra’iisul wasaare Kheyre uu wax ka ogaado Mooshin ay ka keeneen Aqalka sare.

 

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa hormuud ka ah Mooshinkaasi, waxaana la sheegay inuusan kulanka soo xaadirin, laakiin Masuuliyiintii la kulmay Kheyre waxay isku afgarteen in culeys kasta uu yeelan lahaa Mooshinkaasi su’aalo weydiinta ah la laalo, taas bedelkeedna wada shaqeyn wanaagsan ay dhex marto aqalka sare iyo Xukuumada.

 

Xasan Cali Kheyre ayaa lagu sheegaa inuu yahay Ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee Baarlamaanka marka ay ka keenaan Mooshin dhex gala isla markaana isku daya inuu xaliyo inta aysan xoogeysan ololahaasi socda, halka Ra’iisul wasaarayaashii ka horeeyay lagu sheegay inay ahaayeen dad sameyn jiray xulufo markaas oo inta ka soo horjeeda ay badnaan jireen.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la maleynayaa sanadkaan dhamaadkiisa ama in isbedel uu ku dhaco golaha wasiirada ama in xilka laga tuuro Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waa sida ay isla dhex marayaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY