Xog: Tuhuno la xiriira ururada islaamiga oo dhaawacay rajadii C/qaadir Cosoble

Xog: Tuhuno la xiriira ururada islaamiga oo dhaawacay rajadii C/qaadir Cosoble

129
0
SHARE

Doorashadii 2012­ka ee uu Xasan Sheekh ku guuleysatay, musharaxii layaabka ugu weyn ka dhigay waxa uu ahaa Cabdulqaadir Cosoble, isaga oo helay codad aan la fileyn oo ahaa 37, kaalin weyn­na ku lahaa in Xasan Sheekh uu madaxweyne noqdo.

Cosoble ayaa xildhibaanadii codadka siiyey ee uu lacagta badan ku bixiyey waxa uu ka dhaadhiciyey inay codka siiyaan Xasan Sheekh, arrintaas oo sidoo kale uu sameeyey Cabdi Weli Gaas, sidaasna Xasan uu kaga guuleystay Sharifi Sheekh Axmed.

Doorashada dhaceysa arbacada ayaa dad badan ay filayeen in Cosoble uu ka gaari meel ka wanaagsan tii 2012, isaga oo isku haleynaya lacagta tirada badan ee walaashiis Khadiija Cosoble oo leh hotelka Naasahablood.

Si kastaba waxaa soo baxay in xaaladdu aad uga mugdi badan tahay sidii la maleeyey, islamarkaana tuhunno ku saabsan inuu xariir la leeyahay ururada Islaamiga ah ay si xooggan u dhaawaceen ololihiisa.

Cosoble ayaa ka mid ahaa saraakiishii ugu waa weynaa ee ururka Al­itixaad Al­Islaami ee Soomaaliya.

Hotelka Naasahablood ayaa la dejiyey tobaneeyo xildhibaan oo codadka looga raadinayo Cosoble, balse xildhibaanada ayaa inta badan ka cabsi qaba inay codkooda siiyaan Cosoble, xilli uu jiro cadaadis ka imanaya beesha caaalamka.

“Waxaa jira tuhun ah in haddii Cosoble la doorto ay noqon karto afar sano oo ka khasaartay Soomaaliya, oo caalamku uusan taageeri doonin dowlad uu madax ka yahay, sidaa darteed xildhibaano badan ayaa diidan inay codkooda siiyaan” Waxaa sidaas yiri xildhibaan dhowr mar la kulmay Cabdulqaadir Cosoble oo codsaday inaan la magacaabin.

Waxaa jira illaa iyo dhowr labaatan xildhibaan oo weli taageersan Cabdulqaadir Cosoble, hase yeeshee waxaa suurta gal ah inaysan ku filnaan si uu uga soo gudbo wareegga koowaad.

Warar lagu kalsoon yahay oo caawa soo baxayna waxay sheegayaan in xildhibaan Cosoble laga yaabo in berri ama subax arbacada uu tanaasulo, waxaana jira wada­hadal uu la leeyahay dhowr musharax oo ka doonaya taageero. Ma ahan Cosoble oo kaliya, waxaa sidoo kale jira dhowr musharax oo la filayo in doorashada ka hor ay is­casilaan, waxaana la filayaa inay ku kala biiraan musharaxiinta miisaanka culus, sida Xasan Sheekh, Farmaaho, Cumar Cabdirashiid, Jabriil iyo Ameeriko

LEAVE A REPLY