XOG WARAN: MIYEY CALAAMAD U TAHAY ISA SOO DHIIBIDII MUKHTAAR ROOBOW CIRIBTIRKA...

XOG WARAN: MIYEY CALAAMAD U TAHAY ISA SOO DHIIBIDII MUKHTAAR ROOBOW CIRIBTIRKA SHABAAB?

159
0
SHARE

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in saameyn ay ku yeelan karto awoodaha dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab  isa soo dhiibitaanka Sheikh Mukhtaar Rooboow Cali(Abuu Mansuur) oo uu isku soo dhiibay Dowladda Soomaliya.

 

Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur oo kamid ah Baarlamaanka Soomaliya oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in isa soo dhiibistii ku-xigeenkii Hogaamiyaha Al-shabaab muqtaar roobow ay tahay mida kaliya ee haatan sababi karta burbur ku yimaada dagaalyahanada Al-shabaab oo haatan ku sugan meelo kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.

 

Waxa uu sheegay in Muqtaar Roobow  uu ahaa ninkii ugu saameynta badnaa Al-shabaab, islamarkaana uu kamid ahaa aas-aasayaashii Al-shabaab inkasoo sanadkii 2013-kii uu ku dhawaaqay in uu k baxay Al-shabaab.

 

“Saameyn badan ayay ku yeelan doontaa Al-shabaab isa soo dhiibistii Shiikh muqtaar roobow Abuu mansuur,Roobow waxa uu kamid ahaa ragii aas-asaay Al-shabaab waxa uu awood badan ku lahaa Gobolada uu kasoo jeeday, waxaa muhiim ah in uu ka qeyb qaato dagaalka lagula jiro dagaalyahanada Xarakada Al-shaabab Dowladana uu al shaqeeyo”, Xasan Cabdi Nuur.

 

Muqtaar Roobow ayaa shalay yimid Magaaladda Muqdisho muddo 6-sano kadib,waxa uuna la kulmi doonaa maalmaha soo socda Madaxda Dowladda Federaalka Soomaliya.

LEAVE A REPLY